DHAGEYSO:Xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare oo la dhaarinaya

0
372

Waxaa weli socoto dhaarinta xildhibaannada iyo senatarrada cusub ee la doortay xilligii doorashadii guud ee bishii hore .
Mudanayaasha baarlamaanka oo ay ku jiraan kuwo ay soo magacaabeen isbeheysiyada siyaasadeed ayaa waxaa dhaarinaysa sii hayaha xilka karaaniga golaha qaran ee xeer dejinta Serah Kioko.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC uu ansaxiyay in Kioko ay beddesho Michael Sialai oo howlgab noqday 31-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Xildhibaannada ka mid ah 349-ka xubnood ee baarlamaanka ee ilaa iyo hadda la dhaariyay waxaa ka mid ah Faarax Macallin oo laga soo doortay deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa , Aadan Keynaan oo matalaya deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer, Yuusuf Xasan Cabdi oo ah xildhibaanka deegaanka Kamukunji ee dowlad deegaanka Nairobi , mudanaha deegaanka Westlands ee Nairobi Timothy Wanyonyi iyo siyaasiyiin kale.
Mas’uuliyiinta ayaa ku dhaartay inay ilaalin doonaan dastuurka wadanka oo ay si caddaalad ah ugu adeegi doonaan qaranka Kenya iyo dadkiisa.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dhaarashada ka dib u codeyn doono guddoomiyaha golaha xeer dejinta iyo ku xigeenkiisa.
Qofka ku guulaysanaya xilka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa laga doonaya inuu helo saddex meelood labo meel ee codadka xildhibaannada baarlamaanka oo u dhiganta 233.
Haddii uunan jirin musharrax codadkan helay waxaa loo gudbaya wareegga labaad ee codeynta oo musharraxa ugu badan ee dhanka codadka uu noqonaya guulaystaha.