Qaramada midoobay oo sheegtay in carruur u dhashay Ukraine la geeyay Ruushka

0
312

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay caddeyn wax ku ool ah u hayso in carruur u dhashay dalka Ukraine la geeyay wadanka Ruushka.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada xukuumadda Moscow lagu eedeyay inay carruur kaxeysteen iyagoo fulinaya barnaamij musaafurin oo qasab ah.
Waxaa arrintan shaaca ka qaadday Ilze Brands Kehris, oo ah kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee arrimaha xuquuqul aadanaha.