Siyaasiyiin tiro ahaan dhan toddobo ayaa loolan ugu jiro sidii ay ugu guulaysan lahaayeen jagada guddoomiyaha aqalka sare.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maanta uu si rasmi ah u furmayo baarlamaanka 13-aad ee dalka.
Isbeheysiga Azimio ayaa go’aansaday inuu madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ku taageero xilka guddoomiyaha senate-ka halka senatarka ismaamulka Kilifi ,Stewart Madzayo uu ku xigeen u noqonaya.
Kalonzo ayaa jagadan kula tartami doono barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Kilifi Amason Kingi oo uu ku xigeenkiisu yahay senatarka Meru Murungi Kathuri .
Mas’uuliyiinta kale ee u tartamaya qabashada xilka guddoomiyaha aqalka sare ee dalka ayaa kala ah Aluochier Isaac Aluoch, Stephen Kalonzo Musyoka, George Bush, Amason Jeffa Kingi, Kinyua Beatrice, Karuri Fredrick iyo Kuria George.
Codeynta oo qarsoodi ah ayaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan 67 senatarro ah.
Dhanka baarlamaanka , ugu yaraan 8 musharrax ayaa dib u celiyay warqadaha xulashada in kastoo 37 qof ay horay u muujiyeen inay daneynayaan xilka guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta.
Isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa madaxa xisbiga Ford-Kenya ,Moses Wetangula u soo xushay inuu ku matalo tartanka loogu jiro jagada guddoomiyaha baarlamaanka halka wakiilka dumarka ee ismaamulka Uasin Gishu Gladys Boss ay ku xigeen u noqonayso.
Labadan siyaasi ayaa la tartami doono Kenneth Marende iyo Faarax Macallin oo laga soo doortay Dadaab oo uu soo xushay garabka siyaasadeed ee Azimio.