Dambi baarayaal ka tirsan waaxda DCI-da ayaa soo badbaadiyay 18 qof kuwaasoo dhibbanayaal uu ahaa koox dadka tahribiisa.
Waaxda DCI-da ayaa laga soo xigtay in shakhsiyaadkan ay ku sugnaayeen guri ku yaalla meel u dhow deegaanka Athi River ee ismaamulka Machakos.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay in dadkan loo waday waddamada ku yaalla Gacanka Carbeed ee Gulf.
Agaasinka waaxda dambi baarista ayaa xusay in qorshuhu ahaa in dadkan la addoonsado.
Laamaha ammaanka ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay fuliyeen ayaa u suurtagashay inay gacanta ku dhigaaan 3 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin falalka sharci darrada ah ee tahriibinta.
Waxaa eedeysanayaasha magacyadooda ku sheegtay DCI-da, Cabdullaahi Xuseen Maxamad oo 32 jir ah, Xasan Ibraahim Godana oo 35 jir ah iyo Chari Dulacha oo 40 jir ah.
DCI-da ayaa wacad ku martay inay tallaabo adag ka qaadi doonto shakhsiyaadka lugta kula jiro falalka sharci darrada ah ee tahriibinta.
Dhibbanayaasha iyo tuhmanayaasha ayaa lagu xiray saldhigga booliska ee Muthaiga, si su’aalo loo weydiiyo, iyagoona loo mari doono habraacyo dhanka sharciga ah.
Bayaanka waaxda DCI-da kuma xusna waddamada ay u dhasheen shakhsiyaadka la soo badbaadiyay.
Waaxda dambi baarista ayaa dadweynaha ku boorrisay inay fiiro gaar ah u yeeshaan dadka wax tahriibiya.
Warbixinta la xiriirta falalka sharci darrada ee arrinkan la mid ah ayaa lagu gudbin karaa nambarka ah 0800 722 203 iyadoo aan xogtaada khaaska ah la helin.
18 VICTIMS DESTINED FOR SLAVERY RESCUED
Detectives have rescued 18 victims of human trafficking, who had been harboured at a house in Athi River, enroute to a destination in the Gulf where they were to be sold as slaves.
In a raid conducted by sleuths from the Transnational— DCI KENYA (@DCI_Kenya) September 7, 2022
Meanwhile, the rescued victims are in protective custody as detectives continue with their documentation. #FichuakwaDCI 0800 722 203
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) September 7, 2022