Madaxweynaha Mareykanka oo u hambalyeeyay Ruto

0
336

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa wadanka ay ayidday guushiisa.
Biden uu farriintiisa hambalyada u soo mariyay afhayeenka aqalka Cad ee Mareykanka Karine Jean-Pierre, ayuu sidoo kale ku ammaanay dadweynaaha Kenyaanka ah sida nabdoon ee xuquuqdooda dastuuriga ah u guteen ee codeynta.
Waxaa uu dhanka kale ammaanay hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio Raila Odinga, sida uu ixtiraamay go’aankii ka soo baxay maxkamadda sare ee Supreme Court.
Madaxweynaha dalka Mareynkanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeya Mareykanka iyo Kenya, kaas oo ku saleysan u heellanaanta dimuqraadiyadda, amniga iyo barwaaqada dhaqaalaha.
Madaxweynaha la doortay ee William Ruto ayaa lagu wadaa in xilkan loo dhaariyo 13-ka bishan, isagoo si rasmi ah hoggaanka ugu sarreya wadanka kala wareegaya madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta.