Saraakiisha Pakistan oo ka digay in harooyinka ku yaalla wadankaasi ay sababi karaan fatahaado hor leh

0
326

Saraakiisha dalka Pakistan ayaa maanta ka digay in daadad kale la filayo, iyadoo koonfurta wadankaasi ay ka da’een roobab mahiigaan ah oo aan horay loo arag kuwaas oo billowday bartamihii bishii Lixaad ee sanadkan.
Roobabaka ka da’ay koonfurta wadankaasi ayaa waxa ka dhashay fatahaado baaxad wayn oo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,300 oo qof.
Khubarada saadaasha hawada ayaa saadaaliyay in roobab kale ay ka da’i doonaan koonfurta dalkaasi maalmaha soo socda.
Dadka u dhow goobaha harooyinka gaar ahaan tuulooyinka Jamshoro iyo Dadu ee gobolka Sindh ayaa lagu boorriyay inay aagaasi isaga guuraan.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo hay’adaha samafalka iyo mas’uuliyiinta dalka Pakistan ay gurmad u fidinaya shacabka wadankaasi oo ay soo foodsaareen daadadkii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca muddo tobannaan sannadood ah.
Daadadka ayaa gaystay burbur, iyadoo uu saameeyey ilaa 33 milyan oo qof.
Fatahaadaha ayaa sidoo kale dilay in ka badan 800,000 oo xoolo ah, waxayna waxyeello u gaysteen beero iyo dalagyo muhiim ah.