Qareennada Raila: Jose Camargo oo u dhashay dalka Venezuela ayaa go’aamiyay madaxweynaha la doortay

0
803

Qareennada u doodaya musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa maxkamadda sare ku soo bandhigay caddeymo ay sheegeen in la farageliyay foomamka doorashada 34A ee laga soo gudbiyay xarumihii codbixinta.
Julie Soweto oo ka mid ah qareennada matalaya Raila ayaa sheegtay in mid ka mid ah saddex qof oo u dhashay dalka Venezuela oo lagu xiray gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi laba toddobaad ka hor maalinkii doorashada ay hannaanka doorashada farageliyeen.
Saddexda qof ayaa markii dambe wadanka laga tarxiilay.
Hasa ahaate garyaqaanad Julie Soweto ayaa maxkamadda sare ku soo badhigtay caddeymo ah in Jose Camargo oo ka mid ah saddexda muwaadin ee Venezuela u farageliyay qalabka codadka doorashada lagu keydiiyay ee loo yaqaano Server, islamarkaana nambarrada goobaha qaar ee foomamka doorashada ee 34A uu wax ka beddelay.
Waxaa ay intaasi ku dartay in Jose Camargo oo u dhashay dal shiisheeye uu go’aamiyay madaxweynaha la doortay.
La taliyaha sare ee dhanka sharciga ee Raila Odinga Paul Mwangi, kana mid ah qareennada u doodaya, ayaa sheegay in Camargo uu ka mid ahaa saddex nin oo u dhashay dalka Venezuela ay waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ku xireen gagida caalamiga ee JKIA iyaga oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay farageliyaan doorashada.
Dhanka kale qareennada matalaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa iska fogeeyay in shakhsiyaad shiisheeye ay farageliyeen hannaanka doorashada ee IEBC.