Paul Mwangi: Chebukati waxa uu natiijada xilka madaxtinimo ku dhawaaqay isagoo aan helin taageerada aqlabiyadda ee guddiga IEBC

0
636

La taliyaha sare ee dhanka sharciga ee Raila Odinga Paul Mwangi, kana mid ah qareennada matalaya musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya iyo ku xigeenkiis Martha Karua ayaa sheegay in shardiga ah in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxweynaha aysan siineynin guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC in kaligiis go’aan gaaro ama u xaqiijiyo ama xitaa uu gaaro go’aan ku saabsan waxa uu ku dhawaaqi doono.
Garyaqaan sare Paul Mwangi ayaa sheegay in Chebukati uu ixtiraamin dastuurka wadanka, islamarkaana uu u dhaqmay sidii korjoogaha doorashada oo uu qaatay go’aano hal dhinac ah.
Waxaa uu sheegay in Chebukati uunan ahayn shakhsiga kaliya ee matali karo guddiga IEBC, loona baahan yahay in uu la shaqeeyo xubnaha kale ee guddiga si loo gaaro go’aan dastuuri ah oo sax ah.
“Chebukati waxa uu natiijada xilka madaxtinimo ku dhawaaqay isagoo aan helin taageerada aqlabiyadda ee guddiga IEBC, sidaas darteedna muunan u hoggaansamin sida waafaqsanayn dastuurka” ayuu yiri garyaqaan Paul Mwangi.