Dowladda Kenya oo soo saartay taariko cusub oo lagu rakibayo baabuurta iyo mootooyinka

0
666

Dowladda dhexe ayaa soo saartay taariko cusub oo casri ah oo lagu rakibayo gawaarida iyo mootooyinka si looga hortaggo waxyaabaha sharci darrada ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’I ayaa sheegay in tallaabadan ay ka hortageyso baabuurta sida sharci darrada ah ee dalka uga howlgeli lahaa.
Dr. Fred Matiang’I ayaa xusay in kenyaanka ay haystaan muddo 18 bilood oo ay ku qaadan karaan taarikada cusub, islamarkaana ay bixin doonaan 3,000 oo shilinka dalka ah.
Dowladda ayaa sheegtay in loo hoggaansamo xeerarka caalamiga ah, si ay taarikadu u noqoto astaamo amni oo la xaqiijin karo.
Tani ayaa sidoo kale ka hortagaysa lunsiga canshuuraha iyo iibinta baabuurrada laga keenay waddamada shisheeye.