AKHRISO:9-ka arrimoood ay maxkamadda Supreme Court tixgelin doonto si ay go’aan u gaarto

0
656

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa soo bandhigtay sagaal qodob oo ay tixgelin doonaan si ay u go’aamiyaan dacwadda madaxweynaha ee ka dhanka ah natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo ee lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay William Ruto.
Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa xustay meelaha 7-da garsoore ee maxkamadda sare ay eegi doonaan marka dhinacyada dacwadda ay soo gudbiyaan caddeymahooda
Dhageysiga dacwadda looga soo horjeeda natiijadii xilka madaxtinimo ayaa billaabatay shalay, waxaana la filayaa in maxkamadda Supreme Court ay go’aanka ugu dambeeya soo saarto 5-ta bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Haddaba, 9-ka arrimood ay garsoorayaasha maxkamadda sare tixgelin doonaan si ay go’aan u gaaraan ayaa kala ah:
1.Haddii qalabka tignoolajiyada oo ay adeegsatay IEBC uu yahay mid buuxiyay halbeegyada daacadnimada, xaqiijinta, badqabka iyo daahfurnaanta, si uu u noqdo mid lagu kalsoonaan karo.
2. Haddii ay jirtay in faragelin lagu sameeyay foomamka doorashada 34A ee laga soo gudbiyay xarumihii codbixinta kaas oo lagu daabacay hannaanka doorashada ee IEBC.
3. Haddii uu farqi u dhexeyay Foomamka 34A ee lagu daabacay hannaanka doorashada ee IEBC iyo midka laga soo gudbiyay xarumihii codbixinta.
4. Haddii dib u dhigista doorashooyinkii ismaamullada Kakamega iyo Mombasa, sidoo kale codbixintii deegaan baarlamaaneedyada Kitui Rural, Kacheliba ,Rongai iyo Koonfurta Pokot ay saameyn ku yeelatay tirada soo bixitaanka dadkii goobahan ka codeeyay doorashadii xilka madaxtinimo ee 9-kii bishan dhacday.
5. Haddii ay jirto farqi aan la ogeyn oo u dhexeyay codeyntii loogu codeeyay jagooyinka kale iyo midka madaxweynaha.
6. Haddii IEBC ay fulisay hubinta, tirinta iyo ku dhawaaqista natiijada xilka madaxtinimo si waafaqsan qodobka 138 farqada 3-aad ee dastuurka wadanka lagu maamulo.
7. Haddii madaxweynihii lagu dhawaaqay inuu guuleystay uu helay boqolkiiba 50 iyo hal cod ee codadka la dhiibtay si waafaqsan qodobka 138-aad farqada 4-aad ee dastuurka.
8. Haddii ay jireen wax isdabamarin saamayn ku yeelatay natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha.
9. Amarrada ay maxkamadda bixin doonto iyo go’aanka ay soo saari doonto.