Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in uu yahay siyaasiga ku habboon in sanadka 2022-ka uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kala wareego hoggaanka wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka loo barbardhigo siyaasiyiinta kale uu si buuxda u fahansan yahay halka uu marayo qorshihii horumarineed ee Jubilee.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Meru ayuu carrabka ku adkeeyay in uu labo doorasho oo isku xigta uu taageeray Mr. Kenyatta.
William Ruto ayaa mar kale sheegay in loo baahan yahay in wax laga beddelo siyaasadda dhaqaale ee wadanka oo mudnaanta koowaad la siiyo taageeridda danyarta