Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay amniga ismaamullada falalka xatooyada ah laga soo tabiyo xilliyada imtixaanaadka qaran ee shahaaddiga ah.
Ardayda sanadkan u fariisanaya imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo KCSE-da ee dugsiyada sare iyo waalidiintooda ayuu ku boorriyay in ay aad isaga ilaaliyaan in lagu khiyaano warqado been abuur ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay fiiro gaar ah u leeyihiin ismaamullada Migori iyo Kisii.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo lagu wado in labo toddobaad ka dib ay billowdaan imtixaanada qaran.
Prof. George Magoha ayaa sidoo kale xusay in aan loo baahnayn inay walaac muujiyaan ardayda aan casharrada ku qaadan qaab online ah bilooyinkii ay dugsiyada xirnaayeen cudurka COVID-19 awgii .
Home Wararka Kenya Wasiirka waxbarashada oo ardayda sameynaya imtixaanka qaran uga digay in ay xatooyo...