Maxaa ka jiro Wycliffe Oparanya uu taageeray u muujiyay musharraxa xisbiga ANC ee tartanka xilka barasaabnimo ee Kakamega?

0
442

Waxaa barta Facebook-ga ee guddoomiyaha xilka ka sii degaya ee ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya la soo dhigay sawir iyo qoraal lagu taageeraya musharraxa xisbiga ANC oo xubin ka ah isbeheysiga Kenya Kwanza Cleophas Malala oo u tartamaya kursiga barasaabnimo ee dowlad deeegaankaasi.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyo dadweynaha ismaamulka Kakamega ay saaka u dareereen gobaha codbixinta, si ay ugu codeeyaan guddoomiayaha xiga ee dowlad deegaankaasi.
Wycliffe Oparanya ayaa sidoo kale ka mid ah ku xigeennada madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Qoraal uu soo saaray agaasimaha isgaarsiinta xisbiga ODM Philip Etale ayuu ku sheegay in akoonka barta Facebook-ga ee guddoomiyaha dowlad deegaanka Kakamega la jabsaday.
Waxaa uu dadweynaha ismaamulka Kakamega iyo bahda xisbiga ODM ku boorriyay in ay iska indhatiraan wax walbo oo la soo dhigo bartaasi, maadaama shahsiyaad aan wali la aqoonsan ay la wareegeen.
Mr. Philip Etale ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay arrintan haatan ku howlan yihiin.
Dhanka kale guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter ku xaqiijiyay in akoonkiisa Facebook-ga uusan gacanta ku haynin islamarkaana la jabsaday, isagoo ugu baaqay agaasinka waaxda dambi baarista ee DCI-da inay tallaabo ka qaadaan arrintan.