Agaasimaha fulinta ee xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee isbeheysiga Azimio Raphael Tuju ayaa ugu yeeray guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati inuu shaaca ka qaado waxyaabihii ay ka wada hadleen xilli ay ku sugnayeen goob qarsoodi ah oo ku taalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Raphael Tuju ayaa iska fogeeyay eedeymaha uga yimid guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati kaas oo sheegay in agaasimaha fulinta ee xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee isbeheysiga Azimio uu codsaday in guusha la siiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ama wareeg labaad la aado.
Tuju ayaa sheegay inuu Chebukati la kulmay 4-tii aroornimo ee 15-kii bishan, islamarkaana uu kala hadlay arrimo ku saabsan natiijada doorashada.
Home Wararka Kenya Raphael Tuju: Chebukati waa inuu shaaca ka qaado waxyaabihii aynu kawada hadalnay