Doorashooyin dib loo dhigay oo maanta ka dhacayo 8 goobood oo ay ku jiraan Mombasa iyo Kakamega

0
409

Waxaa ay doorashooyin horraan dib loo dhigay maanta ka dhacayaan 8 goobood oo ay ku jiraan codeynta xilka guddoomiyaha ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega.
Doorashooyinkan ayaa aad muhiim ugu ah madaxweynaha la doortay William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Ammaanka goobahan ayaa si wayn loo adkeeyay.
Doorashooyinkan ayuu qorshuhu ahaa inay dhacaan 9-kii bishan, hasa ahaate guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC ayaa dib u dhigay ka dib markii uu sheegay in qaladaad lagu arkay magacyada iyo sawirrada musharrixiinta.
Doorashooyinka dhacayo maanta ayaa kala ah, xilka guddoomiyaha ismaamullada Mombasa iyo Kakamega, codeynta tartarka xildhibaannimo ee deegaan baarlamaaneedyada kala ah Kacheliba, Konfurta Pokot, Rongai iyo Kitui Rural.