Guddoomiyaha cusub ee ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in bilicda caasimadda dib loo soo celin doono ka dib markii uu indha-indheyn ku sameeyay qaybo ka mid ah magaala madaxda wadanka.
Mr. Sakaja ayaa ballanqaaday in uu xallin doono khatarta ka dhalan karta qashinka ee guud ahaan ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu shacabka caasimadda u ballanqaaday inay heli doonaan magaalo nidaamsan, sharaf iyo fursad u ah dhammaan kenyaanka .
Waxaa uu sidoo kale xusay in uu ka dhabeyn doono ballanqaadkii uu u sameeyay shacabka Nairobi oo ay ka mid ahaayeen horumarinta maamulka, biyo joogto oo nadiif ah iyo kaabayaasha .
Khamiistii dhawaan ayay ahayd markii xilalkooda loo dhaariyay barasaabka Nairobi iyo ku xigeenkiisa.
Toured various parts of the City this morning with my officers. I have given firm directions on resolving the current garbage problem across Nairobi in the next few days. We will have a city of order, dignity, hope and opportunity for all. pic.twitter.com/I4ZlhoOMTY
— Johnson Arthur Sakaja (@SakajaJohnson) August 27, 2022