Dowladda ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ciidamo ku gayneyso goobaha ay ammaan darrada ka jirta ee dowlad deegaanka Isiolo, si ay gacan uga gaystaan xakameynta burcadda dhibaateysa dadka ku nool ismaamulkaasi.
Ciidamo boolis ah ayaa loo qorsheeyay inay ka howlgalaan degmooyiinka ay dhibaatooyiinka amni ka dhacaan ee ismaamulka Isiolo.
In ka badan 70 qof ayaa la dilay, halka dad badana lagu dhaawacay ismaamulka Isiolo bilooyiinkii la soo dhaafay.
Burcadda ayaa sidoo kale dhac u gaysata xoolaha ay dhaqdaan dadka deegaanka.
Axadii la soo dhaafay ayay ahayd markii 3 qof la xaqiijiyay in lagu dilay weerar ka dhacay aaga lagu magacaabo Kom ee Isiolo .
Weerarkaan ayaa lagu tilmaamay mid aargoosi ahaa.
Dowladda ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto goobaha laga soo tabiyo xaaladaha amni darrada ah.