Wafula Chebukati oo sheegay in ku xigeenkiisa ay dooneysay in codadkii Ruto uu ka horreeyay Raila laga jaro

0
474

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka guddigan Juiana Cherera ay dooneysay in madaxweynaha la doortay William Ruto laga jaro codadkii uu ka horreeyay musharrixii ay tartameen Raila Odinga si wareeg labaad loo aado .
William Ruto ayaa dhigiisa Raila ka horreeyay codad gaarayay 233,212.
Mr.Chebukati ayaa sheegay in saraakiisha sar sare ee IEBC ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi ay gaareen is-afgarad horay loo sii qorsheeyay oo ku aaddan beddelka natiijooyinka.
Guddoomiyaha IEBC ayaa tilmaamay in Ruto uu helay codadka boqolkiiba 50 oo lagu daray hal dhibic, si sharci ahna loogu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha la doortay ee Kenya.
Si kastaba ahaate guddiga IEBC ee uu hoggaamiyo Wafula Chebukati ayaa qareennadooda maxkamadda sare u gudbiyeen dacwad ka dhan ah kiiska uu gudbiyay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila odinga.