Saddex askari oo ka tirsan ciidamada wadanka Netherlands ee ku sugan dalka Maraykanka ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday bannaanka huteelka ay ka deggan yihiin magaalada Indianapolis.
Ciidamadan la dhaawacay ayaa laba ka mid ah xaaladoodu liidata halka midka saddexaad uu soo gaaray dhaawac fudud.
Waxaa saraakiishan lagu daweynaya isbitaal ku yaalla gobolka Indiana ee wadanka Maraykanka.
3 askari ayaa tababar u joogay dalka Maraykanka xilligii ay la kulmayeen toogashada.
Laamaha ammaanka ayaa haatan wada baaritaanno dhacdadan la xiriirta.