Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday xerada Lamagalaay oo ay ku jiraan ciidamo dheeraad ah oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howlgallada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalamayaan Al-Shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay wax ka qabaneyso baahiyaha ay soo gudbiyeen saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka ee howlgallada kawada gobolka Hiiraan.
Ra’iisu wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda howgallada ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.
Booqashada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu shalay Baledweyne ku tagay ayaa imaaneysa ka dib markii ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleey muddo ka badan laba bilood ay Al-Shabaab kula dagaalamayeen deegaannada u dhexeya magaaloyinka Beledweyne, Matabaam iyo Maxaas, islamarkaana ay ku guuleysteen inay Shabaab ka qabsadaan deegaanno badan.