Putin oo saxiixay amar lagu kordhinayo tirada ciidamada qalabka sida Ruushka ee ku duullay Ukraine

0
265

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray militeriga wadankaasi in ay kordhiyaan tirada ciidankooda ee ku duullay dalka dariska la ah Ukraine.
Ciidamada Ruushka oo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan ku duullaay Ukriane ayaa gaarayay 137,000, iyadoo hoggaamiyaha wadankaasi uu amray in tirada laga dhigo 1.15 milyan oo askari.
Amarka uu soo saaray Mr. Putin, ayaa dhaqangalaya horraanta bisha Koowaad ee sanadka dambe.