Guddoomiyaha golaha xeer dejinta ee dalka Justin Muturi ayaa maanta golaha odayaasha Njuri Ncheke waxay u caleemo saareen inuu yahay afhayeenka gobolka bartamaha dalka.
Guddoomiyaha ayaa lagu caleemo saaray munaasabad ay ka soo qayb galeen boqolaal odayaal ah oo ka soo jeeda gobolka Mt.Kenya.
Tani ayay micnaheedu tahay inuu madaxweyne Kenyatta kala wareego xilkan sanadka 2022-ka.
Waxaa uu noqonaya hoggaamiyihii shanaad ee ay golaha odayaasha caleemo saaraan.
Waxaa xilkan horaan u soo qabtay madaxweynihi ugu horreeyay ee dalka Jomo Kenyatta, madaxweynihi hore Mwai Kibaki, madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta iyo guddoomiyaha ismamaulka Meru Kiraitu Murungi.
Odayasha iyo hoggaamiyaasha siyasadeed ee gobolka bartamaha dalka ayaa waxay wadada u xaarayaan Justin Muturi inuu xilka madaxtinimada u loolamo sanadka 2022-ka.
Wasiirka beeraha Peter Munya ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ka soo qayb galay munaasabadda.
Waxaa loo arka in afhayeenka 64-sano jirka ah inuu yahay shakhsiga ka shaqayn kara midnimada shacabka gobolka bartamaha dalka ee Mt. Kenya.
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka oo loo doortay afhayeenka gobolka bartamaha dalka