Shacabka oo looga digay in ay qalabka elektoroniga ka iibsadaan qof aan cinwaan lahayn

0
824

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa soo saartay digniin ay u jeedinayso dadweynaha .
Qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twittarka ayay shacabka uga digtay in agabka elektoroniga sida taleefoonada gacanta , telefishinada ama kombiyuutarada ay ka iibsadaan shakhsiyaadka ama dallaaleyda aan lahayn goob gaar ah oo loogu hagaagi karo.
DCI ayaa sheegtay in loo baahan yahay in cid kasta ay iska hubiso in qofka ay agabka ka iibsanayso uu leeyaahy cinwaan iyo meherad meesha ay ku taalla la garanaya sidoo kalena haysta oggolaansho shaqo.
Laamaha ammaanka ayaa horay u sheegay in agab kala duwan oo la soo xaday laga sii iibiyay qaar ka mid ah bulshada.