Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dembiyo dagaal ay ka dhaceen gobolka waqooyi ee dalka Itoobiya ee Tigray.
Waxay falalkan ku eedeysay saraakiisha dowladda Eritrea oo ay ka dalbatay in ay gobolkaas isaga baxaan.
Hasa ahaate dowladda Eritrea ayaa beenisay in saraakiisheeda ay gabodfallo gaysteen.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa codsaday in gargaar baniaadanimo halkaas la gaarsiiyo iyada oo ka digtay in xaaladda ay sii xumaan karto.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa doonaya in ay gobolka Tigray ka baxaan ciidamada Eritrea sida laga soo xigtay afhayeenkiisa Stephane Dujarric halka madaxa qaramada midoobay ee xuquuqul aadanaha Michelle Bachelet ay dalbanayso in baaritaano la sameeyo.