Meelaha ay dadweynaha Mandera codkooda ka dhiibanayaan waxaa ka mid ah dugsiga hoose dhexe ee Al-Fowzan oo ku yaalla Rhamu.
Cali Aftiin Cabdi oo halkaasi ku sugan ayay codbixiyeyaasha dareenkooda la wadaageen.
Markanna sida looga cadeynayo Mombasa waxaa warbixintan ku eegaya Maxamad Cabdi Bootaan.
Barasaabka Mombasa Xasan Cali Joho ayaa codkiisa ka dhiibtay garoonka Uwanja wa Mbuzi ee Mombasa.
Masalani oo ka tirsan deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa gaar ahaan dugsiga hoose dhexe ee halkaasi ku yaalla waxaa saaka codkiisa ka dhiibtay agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji oo dadweynaha ugu baaqay inay si nabad ah ku codeyaan isagoo musharraxiinta aan ku qancin natiijada ku boorriyay inay adeegsadaan nidaamka sharciga ee racfaan qaadashada.