Madaxweynaha dalka oo magacaabid sameeyay

0
389

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo muddo xileedkiisu uu gabagabo yahay ayaa madax kala duwan u magacaabay inay hoggaamiyaan waaxyaha ama shirkadaha dowladda dhexe.
Mr. Kenyatta ayaa Cecilia Mbinya Mutuku iyo John Ogallo u magacaabay inay xubno ka noqdaan guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC muddo 6 sano ah.
Linus Gitahi – Waxaa uu muddo saddex sano ah ahaan doonaa guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha ee warshadda soo saarta dharka ee Rivatex .
Dennis Awori (Amb.) –Waxaa uu muddo saddex sano ah xubin ka noqonaya guddiga talasiinta ee shirkadaha dowladda.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Donald Apollo Kokonya u magacaabay guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha ee guddiga caafimaadka dhimirka.
Mas’uuliyiinta uu magacaabay madaxweyne Kenyatta oo dhowr ah waxaa ka mid ah Nuur Muusa oo laga dhigay guddoomiyaha guddiga adeegga kallumeysiga ee dalka.
Waxaa uu xilkan hayn doonaa muddo saddex sano ah.
Cumar Jibriil Maxamad ayaa isna loo magacaabay guddoomiyaha guddiga adeegga maktabyada ee Kenya National Library Services Board wuxuuna xilkan haynayaa labo sano.
Fatma Naaman waxaa loo magacaabay guddoomiyaha xarunta shirarka caalamiga ee KICC.