Agaasimaha wasaaradda caafimaadka oo la siiyay talaalka COVID-19

0
563

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Patrick Amoth ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee gudaha wadanka looga talaalo cudurka COVID-19.
Dr .Amoth ayaa maanta talaalka qaatay isagoo ku sugan isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Agaasimaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu dareemay culeys dhanka gacanta ah iyo madaxa oo in yar xanuunay.
Waxaa sidoo kale talaalka COVID-19 qaatay 9 qof oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin madaxa fulinta ee isbitaalka Kenyatta Dr. Evanson Kamuri iyo Dr. Collins Tabu oo ah madaxa wasaaradda caafimaadka u qaabilsan talaalka.
Dhammaan dadka la talaalay ayaa laga codsaday in ay saxiixaan warqad muujinaysa in aan la qasbin waxaana isbitaalka laga saaray 30 daqiiqo ka dib markii ay talaalka qaateen.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka Susan Mochache ayaa sheegtay in talaalka laga bixin doono isbitaallada waaweyn ee ismaamullada.
Bixinta talaalka ayaa mudnaanta koowaad lagu siin doonaa saraakiisha caafimaadka qaybahooda kala duwan, ciidamada ammaanka iyo macallimiinta.
Dhakhaatiirta ayaa marka ay talaalka qaataan ka dib laga doonaya in ay tababaro siiyaan shaqaalaha kale ee isbitaallada ismaamullada.
Galinkii dambe ee Talaadada ee isbuucan ayaa Kenya la soo gaarsiiyay qaybtii ugu horreysay ee talaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.