DHAGEYSO:Musharraxiinta oo soo bandhigay qoddobada ay xukuumadda isku fahmi waayeen

0
756

Ka dib markii shir Xalay ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Midowga Musharraxiinta uu Natiijo La’aan ku so dhamaaday ayaa Musharraxiintu waxay soo bandhigeen Qoddobo ay sheegeen in la isku fahmi waayay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa sheegay inay Tanaasul badan Muujiyeen Sameeyeen balse ay Musharraxiintu ku adkaysteen qoddobo ay soo jeediyeen.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xassan Xundubey jimcaale ayaa sheegay in qoddobo ay Mushartaxiintu ku adkaysteen ee ah inay wada hadallada doorashada ay qabka noqdaan aysan Xukuumadda lahayn go’aankeeda balse ay ka dhexayso Maamulada iyo dowladda dhexe.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay qodobadaas kuwaasoo uu sheegay inay Ra’iisul wasaaraha u Cuntami waayeen.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ku eedeeyay inuu dad kale la tashanayay taasoo keentay in qoddobo qaar la isla qaadan waayo.

Midowga Musharaxiintu Waxay sheegeen inay doonayaan
1-In madaxweynaha Soomaaliya Maxamad C/laahi Farmaajo uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.
2- Si loogu kalsoonado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasadda, lana beddelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka, kuwa cusubna laga saxiixo inay siyaasadda faraha kala baxaan.
3- In la furo masaaxadda siyaasadda oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.
4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga Musharaxiinta ee wada hadallada doorashooyinka.
Dhanka kale midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya u taagan ayaa waxay Magaalada Muqdisho ku wadaan abaabulkoodii ugu danbeeyay ee banaanbaxa ay sheegeen inay berri ku qabanayaan Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheer ee magaaladaasi.