Baarlamaanka iyo aqalka sare oo shacabka fursad u siinaya in ay ka ra’yi dhiibtaan hindisaha BBI

0
541

Karaaniyaasha aqalka sare iyo baarlamaanka dalka ayaa dadweynaha u soo bandhigay fursad ay ku gudbin karaan aragtidooda ku saabsan hindisaha la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah xeerarka dastuurka Kenya ee BBI.
Hindisaha oo laga ansaxiyay 43 ka mid ah ismaamullada wadanka ayaa hadda hor yaalla guddi isku-dhaf ah oo ka kooban xubno ka tirsan senate-ka iyo baarlamaanka.
Guddigan ayaa laga doonaya inuu qabto kulamo dadweynaha looga qeyb gelinaya geeddisocodka sharciyeed.
Shalay ayay ahayd markii qorshaha sharci beddelka la hor geeyay labada gole.
Marka la eego ismaamullada dalka , waxaa hindisaha BBI aan laga ansaxin Baringo, Nandi iyo Elgeyo Marakwet halka wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaanka Uasin Gishu aynan weli u codeyn.
Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha lixaad ee sanadkan ay dalka ka dhacdo afti dastuuri oo lagu beddelaya qaybo ka mid ah xeerarka wadanka u degsan.