Madaxweynaha dalka oo socdaal ku tagay Samburu

0
504

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa gaaray degmada Kisima ee deegaanka Maralal sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Waxaa uu hal maalin howlo shaqo ugu sugnaan doonaa ismaamulka Samburu.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in uu kormeero mashaariicda horumarineed ee dowladda , in uu la kulmo madaxda bulshada sidoo kalena uu la hadlo dadweynaha.
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in Mr. Kenyatta uu ilaa iyo hadda kormeeray dhismaha wadada isku xirta degmooyinka Naibor (Posta)-Kisima-Maralal ee Samburu .
Sanadkii 2017-kii ayaa la billaabay dhisidda waddadan oo uu dheerarkeedu yahay 65 kiilomitir.
Mashruucan waxaa ku baxaysa lacag dhan 3.2 bilyan iyada oo uu qorshuhu yahay in la soo gaba gabeeyay bisha sideedaad ee sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin un ka dib markii hoggaamiyaha dalka uu danjirayaasha wadamada kale u fadhiya Nairobi ka codsaday in ay sii wadaan iskaashiga dalalkooda kala dhexeya Kenya.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in cudurka COVID-19 uu hoos u dhigay dhaqangelinta mashaariicda ugu waaweyn ee dowladda maadaama miisaaniyadii arrimahan loo qoondeeyay lagu isticmaalay barnaamijyada ku aaddan la dagaallanka caabuqa corona.