Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Karanja Kibicho ayaa xaqiijiyay in musharraxiinta xilka madaxweynenimo iyo ku xigeenadooda ay haystaan ciidamo ku filan oo ilaalinaya.
Tani ayuu sheegay inay tahay mid lagu hubinaya in musharraxiinta uunan wax dhib ah soo gaarin.
Waxaa uu dhanka kale hoosta ka xarriiqay inay jiraan siyaasiyiin ku andacoonaya in naftooda ay khatar ku jirto balse aan weligood dowladda ka codsan in ilaalada loo kordhiyo.
Hadalka Karanja Kibicho ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu hoggaamiyaha wadanka Uhuru Kenyatta ku eedeyay inuu u hanjabay in kastoo uu Uhuru eedeyntaasi iska fogeeyay.
The Government takes the responsibility of safeguarding all its citizens, including presidential candidates and their running mates very seriously. We’ve ensured all candidates have security that is commensurate with their needs and that’s continuously reviewed. pic.twitter.com/yQgmWl88vC
— Dr. Eng. Karanja Kibicho (@Karanjakibicho) August 3, 2022