Taageerayaasha Muqtada al-Sadr oo lagu amray inay banneeyaan xarunta baarlamaanka Ciraaq

0
453

Hoggaamiye sare oo daacad u ah madaxa shuuciyiinta dalka Ciraaq Muqtada Al-Sadr ayaa taageerayaashooda ku boorriyay inay banneeyaan xarunta baarlamaanka wadankaasi oo ay ku sugan yihiin tan iyo Sabtidii hore.
Waxay halkaasi ka dhigayaan dibadbaxyo .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qoraal uu soo dhigay Twitter-ka uu
Maxamad Saalax al-Iraqi, taageerayaasha u qabtay 72 saacadood oo ay halkaasi uga tagayaan.
Waxaa uu u sheegay inay xor u yihiin inay mudaharaadyada ka sii wadaan meel ka baxsan golaha xeer dejinta ee dalka Ciraaq.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in Jimcada la qaban doono isku soo bax ballaaran oo duco ah.