IEBC oo codbixiyeyaasha ugu baaqday inay xaqiijiyaan macluumaadkooda

0
576

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in dadka doonaya inay ka qayb qaataan doorashada guud ee wadanka ka dhici doonto 9-ka bishan Siddeedaad ay hadda haystaan fursad ay ku xaqiijin karaan macluumaadka lagu diiwaangeliyay.
Dadweynaha ayaa adeegsan karo inay farriin gaaban ku diraan ama ay wacaan nambarrada kala ah 1543 iyo 1544 .
Waxaa uu qofku farriin gaaban ahaan u diraya nambarkiisa aqoonsiga qaran iyo sanadka uu dhashay.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday Prof. Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee IEBC.
Dadweynaha ayaa laga doonaya in laga billaabo maanta ay tagaan goobaha codbixinta halkaasi oo ay ku xaqiijin karaan xogaha ku saabsan ee ay diiwaangelisay IEBC.
Guddiga ayaa sheegay inuu billaabay in agabka elektoroniga ee codeynta ee loo yaqaano KIEMS oo tiro ahaan dhan 55,100 la geeyo goobaha codbixinta oo ah in ka badan 46,000 guud ahaan wadanka .