Xildhibaanka baarlamaanka sida magacaabidda ah ku galay Maina Kamanda ayaa siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee balse taageersan UDA ka dalbaday in ay is casilaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriqay in aynan suurtagal ahayn in hoggaamiye loogu codeeyay tigidhka Jubilee uu xisbi kale garab siiyo.
Mr. Kamanda ayaa xusay in ay jiraan qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee wadanka oo aan qadarin u muujin madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Maina Kamanda ayaa ka tirsan garabka siyaasadeed ee loo yaqaano Kieleweke ee taageersan heshiiskii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ee horseeday qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa uu si weyn u dhaliilaa xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.