DHAGEYSO:William Ruto oo soo dhaweeyay in Uhuru uu si nabad ah hoggaanka ku wareejin doono

0
302

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA William Ruto ayaa soo dhaweeyay hadal uu jeediyay hoggaamiyaha wadanka oo ahaa in ka dib doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu talada dalka si nabad ah ugu wareejin doono cidii guulaysata.
Ruto oo isku soo baxyo siyaasadeed ku qabtay ismaamullada Baringo iyo Nakuru sidoo kale magaalada Eldoret ee gobolka Rift Valley ayaa sheegay in xaqiijinta ka timid madaxweyne Kenyatta ay meesha ka saarayso kala duwanaansho muddo u dhexeysay.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka uu oggolaaday in isaga iyo musharraxa madaxweyne ee laga guulaysto ay isku mar banneeyaan saaxadda siyaasadeed.

Hoggaamiyaha isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa ka jawaabayay hadalkii madaxweynaha ee shalay xilli uu si rasmi ah xariga uga jaray waddada wayn ee Nairobi Expressway.
Dhanka kale William Ruto ayaa xusay in dalka ay nabad ka jiri doonto xilliga doorashada isagoo taageerayaashiisa ugu baaqay inaysan rabshad kicin.