Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati ayaa sheegay in si kalsooni loogu abuuro shacabka ay qorsheynayaan in natiijada xilka madaxweynenimo lagu dhawaaqo xilli dharaar ah.
Chebukati ayaa intaasi ku daray in dhammaan goobaha codbixinta lagu diyaarin doono warqadaha iyo sanduuqyada codeynta ugu dambeyn 6-da bishan Siddeedaad.