Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ugu yaraan 190,000 qof oo kalabar ay carruur yihiin ay ku barakaceen bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Meelaha dhibaatadan laga diiwaangeliyay waxaa ka mid ah tuulooyinka Rutshuru iyo Nyiragongo .
Barakaca ayaa ka dhashay dagaal u dhexeya ciidamada ammaanka iyo fallaagada M23 .
Wakiilka UNICEF ee Congo Grant Leaity, ayaa laga soo xigtay in kumannaan carruur ah ay halis wajahayaan oo aynan si buuxda u helin adeegyada bulsho ee aasaasiga ah ee nololeed.
Arrintan ayuu ka hadlay ka dib booqasho uu ku tagay Rutshuru oo ka tirsan gobolka waqooyi ee North-Kivu.
Kooxda lagu tilmaamo fallagada ee M23 ama dhaqdhaqaaqa “March 23 Movement” waxaa horay u badnaa qowmiyadda Tutsiga oo laga adkaaday sanadkii 2013-kii in kastoo ay dib isu abaabuleen oo ay dagaal kula jiraan ciidamada qalabka sida ee dowladda DRC.