Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ku eedeynaya inuu daabacay warqado codbixin oo dheeraad ah.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in xilli wakiilo isaga matalaya ay safar ku tageen dalka Giriigga oo lagu soo daabacaya warqadaha codeynta ay arkeen in la soo saaray foomka nooca loo yaqaano 34 oo labo nooc ah.
Odinga oo uu matalaya la taliyihiisa sare ee dhanka sharciga Paul Mwangi ayaa arrintan walaac ka muujiyay.