Agaasimaha fulinta ee xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee isbeheysiga Azimio Raphael Tuju ayaa ku andacoonaya in madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto uu lacag ku qaatay taageeradii uu u muujiyay hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta.
Tuju oo horay u soo noqday xoghayihii guud ee Jubilee ayaan soo bandhigin wax caddeyn ah oo arrintan ku aaddan balse wareysi uu siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu ku sheegay in haddii loo baahdo uu caddeymaha la wadaagi karo maxkamadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sanadkii 2013-kii, William Ruto uu madaxweynaha ka dalbaday arrimo ay lacag ka mid tahay si uu u taageero.
Xilli la weydiiyay in madaxweynaha dalka uu qayb ka ahaa bixinta lacagtan ayuu Tuju ku jawaabay inuunan u hadli karin hoggaamiyaha dalka.
Sidoo kale si cad umuunan magacdhawin shakhsiyaadka garwadeenka ka ahaa qorshahan iyo qiimaha rasmiga ee la bixiyay sida uu ku andacoonayo.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaan weli ka jawaabin eedeyntan cusub ee uga timid Tuju in kastoo uu horay u sheegay inuu si shuruud la’aan ah taageero ugu muujiyay Mr. Kenyatta.