Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa howlwadeenadiisa fasaxa ku maqan ku wargeliyay in ay dib ugu soo laabtaan shaqooyinkooda si ay isugu diyaariyaan maareynta imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KCSE-da.
Madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday wareegto ay soo saartay.
Waxay waxba kama jiraan ka soo qaaday fasaxa sanadlaha ee saraakiisha deegaanada , ismaamullada iyo gobollada inta lagu guda jiro xilliga imtixaanaadka.
Sidoo kale waxay Nancy Macharia hoosta ka xarriiqday in 227,679 oo macallimiin ah ay maareyn doonaan howlaha imtixaanada shahaaddiga ah.
Shaqaalaha TSC ee fasaxa qaatay ayaa laga doonaya in ay dib u soo shaqo galaan Isniinta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha saddexaad.
Imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KCSE-da ayaa la filayaa in ay billowdaan saddex toddobaad oo nagu soo aaddan.