Musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ballanqaaday in hadii hoggaanka wadanka uu qabto , maamulkiisa uu saddex bilood gudahooda ku dhaqan gelin doono xeerka dastuuriga ee sinnaanta jinsiyadeed.
Nidaamkan ayaa dhigaya in shakhsiyaadka kala duwan ee haya xilalka bulshada loogu adeego aynan wax ka badan saddex meelood labo meel hal jinsiyad ah ka soo wada jeedi karin.
William Ruto ayaa ballanqaadkan sameeyay xilli uu xalay ka qayb galay dood lagu qabtay xarunta Jaamacadda Catholic ee bariga Afrika ee xaafadda Karen magaalada Nairobi.
Hoggaamiyaha UDA ayaa sheegay inuu diyaariyay khuburro dhanka sharciga ah oo soo jeedinaya siyaabo arrintan lagu dhaqangelin karo iyadoo aan loo baahan in dastuurka wadanka la beddelo.
Waxaa uu madaxweyne ku xigeenka dalka xusay in wadanka aynan u wanaagsanayn in weli ay hooseyso tirada hoggaamiyaasha haweenka ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda haweenka ah oo tiradoodu badato ay xoojinaysa maamul wanaagga iyo hoggaaminta qaranka.