DHAGEYSO:Maleeshiyo dad afduubtay oo lacag lagu wareejiyay

0
766

Maleeshiyaad ilaa lix maalin gacanta ku hayey dad safar u ahaa magaalada Muqdisho oo ay u afduubteen diyo ay sheegeen in ay uga maqan tahay beesha ay ka soo jeedaan dadka ay gacanta ku dhigeen ayaa xalay lagu wareejiyay lacag ilaa afartan kun oo dollar ah.
Qof ka mid ah maleeshiyaadka dadka afduubtay oo lagu magacaabo Cismaan Barre Yuusuf ayaa Cubeyd Xasan Maxamuud uga warramay sababta ay dadka u afduubteen iyo in ay heleen dalabkoodii.

Ibraahin goomeey oo ka mid ah dadka la afduubtay ayaa dhankiisa sheegay in sida lagu wargeliyay goor dhaw la sii deeyn doono.

Odayaasha labada beel ayaa isku afgartay in marka hore la bixiyo lacagta ay maleeshiyaadku dalbadeen iyadoo beesha dadka laga afduubtay ay sheegeen in aysan diyada loo haysto qabin hase ahaatee ay ku badbaadsanayaan dadka laga haysto.