Dowlada Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay Baajinta Caruurta la Askareeyo

0
874

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeybgalay kulan lagu qabtsay Aaladda Fogaan aragga Ee Zoomka oo ay ka qeybgaleen Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe Soomaliya u Qaabilsan James Swan iyo Madaxa Hay’adda UNICEF Ee Soomaaliya Jesper Muller.
Sidoo kale waxaa ka qeybgalayay kulanka Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Cabdi kooshin ,waxaana diiradda lagu saaray ka hortagga askareynta Caruurta.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa tilmaamay in DFS dadaal galisay ka Hortaga in Caruurta askar ahaan loo adeegsado ,sidoo kale Wakiilada QM,UNICEF iyo UNSOM ayaa DFS waxay ku ammaaneen dadaalada ay galisay ka hortaggga askareynya Caruurta iyo fulinta heshiisyada Caalamiga ah ee hore Soomaaliya u saxiixday.
Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xusay dhowr tallaabo oo muhiim ah ay dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday kuwaasoo ku aaddan hannaanka hirgelinta Qaraarkii Golaha Amaanka QM UNSC ee 1612 (2005) oo ay ka mid tahay Saxiixidda laba Qorshe Hawleed sanadkii 2012 ee kala ahaa joojinta qorista,adeegsiga iyo joojinta dilka iyo curyaaminta carruurta.
Bixinta Amarka Guud ee Taliyaha Ciidanka XDS ee 21 Ogosto 2017 si looga hortago qorista iyo adeegsiga carruurta iyo xadgudubyada kale ee waaweyn ee ka dhanka ah carruurta ee ay geystaan Ciidanka .