Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Soomaaliy Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray Go’aan lagu joojiyay dhamaan dacwadaha aan aheyn kuwa Ciqaabta inta lagu guda jiroCudurka Covid-19.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha oo la ogeeysiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & dhamaan Madaxda Hay’adaha garsoorka ayaa lagu sheegay in la joojiyay dacwadaha, si loga feejignaado faafitaanka Cudurka Coronavirus.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in isagoo tixgelinaya bedqabka Shaqaalaha Garsoorka iyo dadweynaha tirada badan ee loo adeego, maankana ku haya in Hay’adaha Garsoorku ka mid yihiin meelaha uu xanuunku sida fudud uga faafi karo maadaama dad aad u tiro badan loogu adeego maalin kasta, Iyadoo la tixgelinayo lana taageerayo dedaalada ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshadu hogaaminayso ee lagu xakamaynayo faafida xanuunka COVID-19 la soo saaray go’aanadaan
Laga bilaabo 6.03.2021, waxa la hakiyey dhagaysiga, furashada iyo fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn illaa go’aan dambe.
Waxa la furi doonaa lana dhagaysan doonaa dacwadaha ciqaabta ah oo kaliya inta uu go’aan kale ka soo baxayo dacwadaha aan ciqaabta ahayn.
Dhammaan hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa inay guryahooda ku shaqeeyaan marka laga reebo hawl-wadeenada ay maalintaas dacwad ciqaab ahi u mudaynsan tahay, kuwa horgeynta leh iyo maamulka hay’adaha Garsoorka.
Dhammaan garmaqalada maxkamaduhu waxay noqon doonaan kuwo dadweynaha ka xiran, waxaana la joojiyey ka qaybgalka dadweynaha ee dacwadaha inta lagu jiro xaalada xanuunka Covid-19.
Maxkamaddaha, Xeer Ilaalinta, Qareenada, Saldhigyada Booliiska iyo Waaxda Dambi Baarista waxa la faray inay xil iska saaraan inay si taxadar leh u socodsiyaan dacwadaha ciqaabta ah iyagoo qaadaya talaabooyinka muhiimka u ah xakamaynta iyo ka hortagga faafida xanuunka Covid-19, dhawrayana bedqabka maxaabista iyo hawl wadeenada.
Garsooreyaasha waxa la faray inay dacwadaha ku dhagaystaan qolalka loogu talogalay dhagaysiga dacwahada oo kaliya, kana dheeraadaan inay xafiisyadooda dacwad ku dhagaystaan.
Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Maxkamaddaha Rafcaanku waa inay si joogto ah ula socdaan xaalada xabsiyada iyo maxaabiista.
Ciidamada Asluubta waxaa la farayaa inay joojiyaan booqashada dadweynaha ee xabsiyada maxaabiista si looga fogaado in xanuunku xabsiyada ku faafo.
Waxa la joojiyey kulamada tooska ah iyo tababarada,Wixii kulamo ahna waxa loo adeegsanaya habka fogaan-araga.
Ugu danbayn Hawl-wadeenada Garsoorka waxa la faray inay si buuxda ugu hogaansamaan awaamirta iyo talaaboyinka lagu xakamaynayo faafida xanuunka ee ka soo baxa Wasaaradaha Caafimaadka ee Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale soo saartay go’aano lagu xakameynayo faafitanka cudurka Coronavirus, xilli dalka uu kusii faafayo, isla markaana dad badan ay u dhinteen Covid 19.