Ugu yaraan waxaa la xaqiijiyay in 30 qof oo rakaab ay ku dhinteen shil gaari oo bas ah, kaas oo ku dhacay wabi.
Baska oo ka yimid ismaamulka Meru kuna sii jeeday magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa darawalkii waday kontaroolka lumiyay.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in dhimashada ay sare u kacday maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah.
Baabuurka baska ah oo siday rakaabka ayaa ku dhacay buundada Tharaka Nithi ka hor uusan ku dhicin wabi goobtaasi ka ag dhawaa oo 40 mitiri hoos ugu jiray.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Tharaka Nithi Nobert Komora ayaa xaqiijiyay in rakaabka kale ay dhaawacyadu culus soo gaareen lagu daweynayo xarumaha caafimaadka ee dowlad deegaankaasi.
Baska shilka xun galay ayaa waxaa lahayd shirkadda basaska ee Modern Coast.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.