Dowladaha Kenya iyo Bangladesh ayaa wada saxiixday labo heshiis oo ku saabsan wada tashiyada siyaasadeed iyo akadeemiyada adeegga dibadda.
Is-afgaradkan ayaa looga gol leeyahay xoojinta xiriirka ka dhexeya labada dal.
Waxaa heshiisyada magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh ku kala saxiixday Ambasadoor Moi Lemoshira oo ah agaasimaha guud ee arrimaha iskaashiga iyo siyaasadda ee jamhuuriyadda Kenya iyo Mascuud Bin Momen oo ah xoghayaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Bangladesh.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in Kenya iyo Bangladesh ay wada tashi ku yeesheen akadeemiyada adeegga dibadda ee Foreign Service Academy oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Dhaka .
Wada hadallada ayaa ku qotomay adkeynta xiriirka saaxiibtinnimada ku saleysan ee labada waddan iyo in la ogaado meelaha ay mustaqbalka ka wada shaqeyn karaan.
The MOUs were signed in Dhaka, Bangladesh by Amb. Moi Lemoshira Director General, Bilateral and Political Affairs for the Republic of Kenya and Amb. Masud Bin Momen, Foreign Secretary, MFA for the Government of the People's Republic of Bangladesh. pic.twitter.com/S4ZcVc3nYg
— ForeignAffairsKenya (@ForeignOfficeKE) July 24, 2022
2/2 The Memoranda were signed in Dhaka, Bangladesh by Amb. Moi Lemoshira Director General, Bilateral and Political Affairs for the Republic of Kenya and Amb. Masud Bin Momen, Foreign Secretary for the Government of the People's Republic of Bangladesh. pic.twitter.com/cS58L1uvnx
— ForeignAffairsKenya (@ForeignOfficeKE) July 24, 2022