DHAGEYSO:Amniga waqooyi bari oo la adkeyn doono

0
327

Iskuduwaha dowladda dhexe ku matalo gobolka waqooyi bari James Kianda ayaa sheegay in xilliga doorashada si wayn loo adkeyn doono ammaanka ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la xaqiijin doono in aan la waxyeelen qalabka codeynta ee IEBC iyo saraakiisha doorashada maareynaya.
Xilli uu guddoomiyay shir amni, ayuu Kianda hoosta ka xarriiqay in la ogaaday meelo laga cabsi qabo inay rabshado ka dhacaan oo ciidamo dheeraad ah la geeyay si ay u helaan xogaha sirdoonka ee suurtagelin karo sugidda ammaanka.