Soomaaliya oo dadaal ugu jirto ku biiridda jaaliyadda EAC

0
397

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya inuu qorshahan ka dhabeeyo ayaa maanta ku wajahan magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya .
Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC ayaa waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim u ah dhaqaalaha Gobolka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.