Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed uga digay inay olole ahaan u isticmaalaan qorshaha ay dowladda dhexe culeyska nololeed uga fududeynayso shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wadanka ay maamulka Jubilee ku dhaliileen inuu hoos u dhigay qiimaha lagu iibiyo burka iyo waxyaabaha galleyda laga soo saaro iyagoo aan xal kale hayn.
Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale shirkadaha shiida ama budada ka dhigo badeecooyinkan ku boorriyay inay muujiyaan mas’uuliyad oo aynan galleyda ku keydsan bakhaarrada iyagoo ka faa’iidaysanaya xaaladda taagan si ay qiimaha u kordhiyaan.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu shaaciyay isbeddello si degdeg ah u dhaqangalaya.
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 20, 2022