Baarlamaanka oo maanta la hor geynaya hindisaha BBI

0
706

Waxaa lagu wadaa in hindise sharciyeedka BBI maanta loo gudbiyo baarlamaanka ka dib amar ka soo baxay guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi.
Hindisahan lagu doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah xeerarka Kenya u degsan ayaa laga ansaxiyay 43 ka mid ah dowlad deegaannada.
Waxaa uu Muturi sheegay in qoraalkan maanta baarlamaanka laga hor akhrin doono markii koowaad.
Ismaamullada kala ah Elgeyo Marakwet ,Nandi iyo Baringo ayaa laga diiday qorshaha sharci beddelka .
Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Uasin Gishu ayaan weli ka doodin hindise sharciyeedka BBI.
Dastuurka dalka waxaa ku cad in loo baahan yahay in qorshaha lagu beddelaya xeerarka degsan uu taageero ka helo ugu yaraan 24 ka mid ah 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha lixaad ee sanadkan ay dhacdo afti dastuuri ah.